Sign in to follow this  
Deeq A.

Odayaasha beesha degta Dhuusomareeb oo go’aan kasoo saaray xiisadda DF iyo Ahlu-Sunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kulan ay iskugu yimaadeen odayaasha dhaqanka beesha degta Gurceel iyo Dhuusamareeb ayaa hadda lagu soo gaba gabeeyey magaalada Dhuusamareeb.

Kulan ayaa waxaa lagu qaadaa dhigay doorka ay odayaasha deegaanku ka qaada karaan xal ka gaarista xiisadda siyaasadeed ee kasoo dhex cusboonaatay Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka.

Odayaasha dhaqanka ayaa carabka ku adkeeyay inaan la aqbali karin in dagaal ka dhaco magaalada Dhuusamareeb, iyagoo isku dhaarsaday inay dhex dhexaad ka noqdaan siyaasadda cakiran ee Ahlu-Sunna iyo dowladda.

Ugu dambeyntii odayaasha ayaa iska xulay guddi ka kooban 11 xubnood, kuwaas oo waajibaadkoodu yahay inay soo ogaadaan qodobada heshiiskii ay horay u wada gaareen hoggaanka Ahlu-Sunna iyo Xukuumadda Soomaaliya, iyo waxa la isku fahmi waayey.

Intaas kaddib ayey sheegeen odayaashu inay u kuur gali doonaan cidda uu dhankeeda ka fuli la’ayahay heshiiskaas, si loogu cadaadiyo garabkaas inuu dhaqan galiyo heshiiska.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this