Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlu-Sunna oo ku dhowaaqday in uu bur-buray heshiiskii DF kuna baaqday is-difaac

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ururka Ahlu-Sunna Waljamaac ayaa goordhow magaalada Dhuusomareeb uga dhowaaqay inuu buray heshiiskii u dhaxeeyey ayaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ahlu-Sunna ayaa ku eedeysay dowladda inay mas’uul ka tahay burburka ku yimid heshiiskii labada dhinac, kadib markii ay ciidamo kusoo daabushay magaalooyinka Galmudug.

Sidoo kale Ahlu-Sunna ayaa dowladda dhexe ku eedeysay inay Dhuusamareeb kusoo daabuleyso saraakiil iyo ciidamo sida ay sheegeen Shabaab ah.

Dhanka kale Ahlu-Sunna ayaa sheegtay inay AMISOM ka xaqiijisay inaysan ku lug yeelan doonin carqaladda ay sheegeen inay dowladdu ka wado gobolada dhexe gaar ahaan magaalada xarunta u ah Galmudug ee Dhuusamareeb.

Ahlu-Sunna ayaa ugu baaqday ciidamadeeda iyo shacabka Galmudug inay u diyaar garoobaan inay difaacdaan naftooda, maalkooda iyo nabaddooda.

Hoos ka aqriso qoraalka Alu-Sunna kasoo baxay

WhatsApp-Image-2019-08-27-at-9.13.26-AM.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this