Sign in to follow this  
Deeq A.

Uganda: Ciidamada DF qaar waxay u goostaan Shabaab”

Recommended Posts

Deeq A.   

Kampla (SMN) – Henry Okello, oo ah wasiiru dowlaha xiriirka caalamiga ee dowladda Uganda ayaa sheegay in ciidamada Midowga Africa u tababaro Soomaaliya qaarkood ay u goostaan dhanka Al-Shabaab.

Isagoo la hadlayay wargeyska Independent, wasiirka ayaa tilmaamay in AMISOM ay siiso tababar ciidamada dowladda Soomaaliya, si ay mas’uuliyadda amMaanka dalka ugala wareegaan markii ay ka baxaan Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in dadaallada ay sameeyaan ay dhabar jAbinayaan askarta ku biiraysa Al-Shabaab, taasoo khatar gelinaysa in lagu aamino amaanka dalka.

Dowlada Uganda ayuu sheegay inay tababarayaal u soo dirtay Soomaaliya kuwaasoo layliya askarta cusub ee dowladda, iyadoo ay sidoo kale siiyaan la-talin dhanka howlagalka.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli QM ay sheegtay inay dhimayso askarta ilaalisa xarumaheeda Soomaaliya, iyadoo tirada AMISOM-na hoos loo dhigayo, taasoo qeyb ka ah ka bixitaanka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this