Deeq A. Posted August 27, 2019 Muqdisho (SMN) – Taliyahay cusub ee ciidanka Xoogga, Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka, kadib munaasabad ka dhacday M/Muqdisho. Xafladda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale. Odawaa oo horay u ahaa tliyaha ciidanka Lugta, marna soo noqday abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka ayaa xilkan loo magacaabau Khamiistii la soo dhaafay. Taliyaha cusub ayaa bedalay Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) oo muddo hal sano ah hayey xilkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites