Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaallo khasaaro geystay oo ka dhacay Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaallo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka koowaad oo ka dhashay weerar ay soo qaadeen Al-Shabaab ayaa ka dhacay fariisimo ciidamada huwanta ay ku leeyihiin deegaanka Golweyn ee gobolkaasi.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac.

Dhinaca kale dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar jidgal ah ku qaaday ciidamada ka tirsan kuwa dowladda oo marayay deegaanka Warmaxan ee Sh/Hoose.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo dhex labada dhinaca, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi ayaa sheegtay inay ku dishay illaa afar ka tirsanaa ciidamada dowladda, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo Milatari laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this