Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Ciidamada Somaliland oo la sheegay in uu shaqa ka helay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Gudble.jpg?w=1000&ssl=1Sarreeye Guuto Gubadle

Taliyaha Qeybta 26-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle) oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in uu jiro wada-hadal u socda Taliyaha Ciidamada Somaliland Gen Nuux Ismaaciil Taani iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la xiriira in Gen Taani loo dhiibo Abbaan-duulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gen Gubadle ayaa soo dhoweeyay hadalkii ka soo yeeray Taliyaha Ciidamada Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ee ahaa in aan loo baahneyn askarta iyo taliyaasha ka goostay Somaliland ee gobolka Sanaag waxaana uu xusay in Gen Taani uu kala diray ciidamadii Somaliland kadib markii isagu shaqa ka helay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gubadle ayaa ugu baaqay saraakiisha iyo askarta ka soo jeeda Sool iyo Cayn ee weli ku harsan ciidamada Somaliland in ay isaga soo baxaan oo ku soo biiraan dhanka Puntland maadaama sida uu sheegay lagu kala tegay ciidamadii Somaliland.

Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan

PUNTLAND POST

The post Taliyaha Ciidamada Somaliland oo la sheegay in uu shaqa ka helay Dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this