Sign in to follow this  
Deeq A.

La-taliyihii Madaxweyne Trump Oo U Ololeynaya Soomaaliya, Si Uu U Caawiyo Saaxiibkii FARMAAJO

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-La-taliyihii hore ee ololaha doorashada madaxweyne Donald Trump, Michael Caputo, oo ah xeelad yahan Jamhuuri ah, ayaa sameystay shirkad u ololeysa dalalka shisheeye, waxaan arrintiisa koowaad noqday Soomaaliya.

20190826125705_082619michael-caputo-for-

Cabuto, oo aad ugu dhow saaxiibna la ah madaxweyne Donald Trump, ayaa matali doona Soomaaliya, isaga oo danaheeda ka iibin doona maamulka madaxweynaha.

Waa shaqadii ugu horreysay ee ololeeye dal shisheeye oo uu qabto Caputo, oo xisbiga Jamhuuriga Mareykanka aad looga ixtiraamo.

Waxa uu matali doonaa safaaradda Soomaaliya ee Washington DC, waxaana inuu shaqadan helo ka caawiyey xidhiidhka muddada fog kala dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xidhiidhka Caputo iyo Farmaajo ayaa kasoo bilaamay magaalada Buffalo ee gobolka New York, markaasi oo madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeyb-gali jiray siyaasadda deegaanka ee xisbiga Jamhuuriga. Caputo ayaa sidoo kale sannado badan oo noloshiisa ka mid ah kusoo qaatay Buffalo.

“Sharaf weyn ayey ii tahay inaan shaqadan qabanayo” ayuu yidhi Caputi oo ka hadlayey shaqada ay dowladda Soomaaliya u magacowday. “Waxaan dareemayaa inay waajib igu tahay inaan qabto”

Caputo ayaa aaminsan in Mareykanka uu wax badan ka caawin kara in xasilooni lagu soo dabaalo Soomaaliya. Waxa uu sheegay in isaga iyo Trump ay isku si u arkaan waxa u wanaagsan Soomaaliya.

“Waa wax na caawinaya inuu xidhiidh wanaagsan la leeyahay maamulka [Trump]” waxaa sidaas yidhi safiirka Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan, oo uu soo xigtay wargeyska Buffalo News. “Waxaan sidoo kale rumeysannahay inuu nala xalin karo arrimo badan” ayuu yidhi safiirka.

Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa ay raadineyso in gacan laga siiyo sidii looga caafin lahaa daymaha hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

“Dadka Soomaaliyeed waxay u qalmaan nolol la mid ah taan ku haysanno halkan Mareykanka” ayuu yidhi Caputo.

https://www.odwyerpr.com/story/public/12986/2019-08-26/trump-connected-caputo-speaks-for-somalia.html

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this