Sign in to follow this  
Deeq A.

XF Soomaaliya oo diyaarineyso sharciga gaadiidka Badda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maryan Aweys Jaamac ayaa sheegtay in wasaaradda ay dhowaan qaban doonto shirweyne lagu diyaarinayo shuruucda lagu maamulayo gaadiidka badda.

Maryan Aweys ayaa tilmaamtay in shirkaasi ay ka soo qeybgeli doonaan dhammaan wasiirada dekedaha ee maamul goboleedyada dalka.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in hirgelinta xeerkaan uu muhiim u yahay la socodka gaadiidka badda iyo sida ay howlgalaan.

Dhanka kale wasiir Maryan Aweys Jaamac ayaa soo hadal qaadtay dhimsaha dekedda Hobyo oo ay sheegtay in haatan uu marayo meel wanaagsan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa dadaal badan ku bixineysa dib u dhiska dalka, sida jidadka, dekedaha iyo garoomada oo muhiim kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this