Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cali Soomaali,”Somaliland Yubbe oo ciidamo aan reer Sanaag ahayn joogaan ayey ka joogtaa gobolka”.

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Puntland ee gobolka Sanaag ayaa shaaca ka warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee gobolka Sanaag, ciidamadii ka soo goostay Somaliland iyo haddii weli ciidamo reer Sanaag ah ku hareen Somaliland.

Cali Somali oo ah guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland ayaa sheegay in guud ahaan xaaladda gobolka Sanaag ay degan tahay isla markaana ay qarameeyeen ciidankii ka soo goostay Somaliland kuna soo biiray dowladda Puntland.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay jiraan ciidamo aan tiro lahayn oo meelaha qaar lagu biilo haseyeeshee aysan jirin ciidamo reer Sanaag ah oo u qalabaysan Somaliland kuna sugan gobolka Sanaag.

Waxa uu caddeeyey in degmada Yubbe ay tahay halka kaliya ee Somaliland kaga sugan tahay gobolka Sanaag haseyeeshee ciidamada ku sugan ay ka soo jeedaan gobolada Somaliland ayna xabad kaga saari doonaan.

PUNTLANDPOST

The post Guddoomiye Cali Soomaali,”Somaliland Yubbe oo ciidamo aan reer Sanaag ahayn joogaan ayey ka joogtaa gobolka”. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this