Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Somaliland oo qarka u saaran inay markale dagaalamaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sanaag ayaa ku warramaya in maanta xiisad u dhexeysa maamullada Somaliland iyo Puntland ay ka taagan tahay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi.

Xiisada ayaa timid, kadib markii saraakiil ka tirsan Somaliland iyo ciidamo ay wataan ay gaareen deegaano hoostaga Sanaag, si ay oday dhaqameedyada ku dhaqan halkaasi uga dhaadhiciyaan qorshaha Somaliland ee gobolkaasi.

Dhanka kale ciidamada Puntland ayaa abaabul xoogan iyo dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay degmada Baran ee gobolka Sanaag.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in labada dhinac ay qarka u saaran yihiin inay ku dagaalamaan halkaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii taliyihii ciidamada Soomaaliland ee Baran, Guray Cismaan Saalax iyo maamulkii degmadaas ay ku biireen Puntland.

Somaliland iyo Puntland oo ah laba maamul oo daris ah ayaa isku haya gacan ku heynta gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this