Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlu Sunna oo is hor istaag ku sameysay ciidamo ka tirsan AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online)  – Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa maanta is hor istaag ku sameeyey kolonyo ay la socdeen ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti oo doonayey inay gudaha u galaan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna ayaa kolonyadaasi oo ka soo ambabaxay magaalada Beledweyne ku celiyey deegaanka Janta Guundisho ee gobolkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisad xoogan ay haatan ka taagan tahay halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Ahlu Sunna ciidamo dheeraad ah ay dhigtay gudaha degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dhanka kale ciidamada Jabuuti oo iyana wada dhaq dhaqaaq xoogan ayaa haatan ku sugan deegaanka Janta Guundisho.

Lama oga illaa iyo hadda sababta ay ciidamada Ahlu Sunna is hor istaaga ugu sameeyeen kolonyadaasi ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Xaaladda ayaa kacsan, iyadoona laga cabsi qabo inay dagaalamaan ciidamadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this