Deeq A. Posted August 27, 2019 (SLT- Jakarta)-Xukuumada Indonesia ayaa lagu wadaa inay baarlamaanka dalkaasi u gudbiso qorshaha dhismaha caasimad cusub, kadib markii magaalada Jakarta oo hadda ah caasimada dalkaasi ay noqotay mid buuxsantay oo ayna baddu soo gashay. Magaalada Jakarta oo ay hadda ku nool yihiin in ka badan 10 milyan oo qof ayaa la sheegay in qashinkii ka batay isla markaana ay qeybo badan oo kamid ah xaafadaha waqooyi ee magaaladaasi la filayo inay badda soo gasho, waxayna xukuumada sheegtay in caasimada cusub laga dhisi doono jasiirada dalkaasi ugu weyn ee Borneo. Qorshaha dhismaha caasimadan oo la filayo inay bilaabato sanadka 2024 ayaa la sheegay inay ku bixi doonto lacag gaadheysa 33 bilyan oo dollar. Jakarta ayaa sii ahaan doonta caasimada ganacsiga ee Indonesia, sida uu sheegay Madaxweynaha Indonesia Widodo oo sheegay in lama huraan ay tahay dhismaha caasimad cusub oo casri ah. Source Share this post Link to post Share on other sites