Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadahadallo Toos Ah Oo Dhex-Mari Doona Dalalka Maraykanka Iyo Iran.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Paris)-Madaxweynaha France Macron ayaa sheegay in natiijooyin fiican ay kasoo baxeen wadahadalo horudhac ah iyo waan waanta laga dhexwado Maraykanka iyo Iran si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan barriga Dhexe.

Shirka-G7-2019-1-740x494.jpg

Macron oo shalay ka hadlayey qodobada kasoo baxay shirkii G7 ayaa sheegay in uu dalkiisa ku casumay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Iran Mohamed Zarif si dib loogu bilaabo wadahadalo toos ah oo dhexmara Maraykanka iyo Iran.

France oo qeyb ka ah dalalkii saxiixay heshiiskii lagu joojiyey barnaamijkii Nukliyeerka ee Iran oo ay dowlada Maraykanka isaga baxday, ayaa dooneysa in kulan fool ka fool ah yeeshaan Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Iran.

“Madaxweynaha Iran Rouhani wuu soo dhaweeyey in la qaban qaabiyo kulan uu la yeesho dhigiisa Maraykanka…” ayuu yidhi Macron xili uu Isniintii shir jaraa’iid uu si wadajir ah ulla qabtay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo isagu sheegay inuu ka war sugi doono meesha ay ku danbeeyaan kulamadan ay wado dowlada France.

Shirkii maalmahan magaalada Biarritz ee dalka France uga socday wadamada horumaray ee loo yaqaan G7 ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin Dagaalka ganacsi ee u dhaxeeya Maraykanka & China, Xiisada Iran & Kuuriyada Waqooyi iyo waliba in markale Ruushka loo ogolaado in lagu soo daro golahaasi.

Balse shirkan ayeysan kasoo baxin qodobo muhiim ah oo lagu heshiiyey.

Dhamaadkii shirkan ayey wadamada G7 sheegeen inay lacag gaareysa 20 milyan oo dollar ugu deeqeen hawlaha wax looga qabanayo Dabka xoogaleh ee ka dhashey dhulka kaymaha ee wadanka Brazil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this