Sign in to follow this  
Deeq A.

8 Wasiir Ka Mid Ah Xukuumadda Madaxweyne Biixi Iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe Oo Safar Ku Tagay Gobollada Saaxil Iyo Togdheer

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Somaliland, ayaa booqasho hawleed ku tegay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

wasiirro.png

Guddigan oo ka kooban sideed Xubnood oo ka mid ah Golaha Wasiirada ee Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa ujeedada socdaalkoodan ka warramay Wasiirka Maaliyada JSL Mudane Sacad Cali Shire waxaanu yidhi, “Guddidan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa se waxa aanu hadda ku soconaa sideed xubnood oo Wasiiro ah iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe, ujeedada socdaalkayuguna waa in aanu soo kormeerno mashaariicda waa weyn ee ka socda Gobollada Saaxil iyo Togdheer”.

Wasiirku waxa uu iftiimiyey Mashaariicda Gobolka Saaxil ee ay soo kormeerayaan, “Halkan waxaanu soo kormeeri doonaa si aanu u soo indha indheeyo halka ay marayaa ilaa shan Mashruuc oo uu ka mid yahay ballaadhinta Dekedda Berbera, Kawaanka Xoolaha, Wershada Sibidhka, Shaybaadhka, Wershada Daqiiqda ee cusub”.

Intaasi kadibna Guddidani intii ay ku gudo jireen kormeerka Mashaariicdaasi ayaa waxay ka xog wareysteen Masuuliyiinta iyo hawlwadeenada kale ee ku sugan ba halka ay marayaan iyo waliba durruufaha ku geddaaman iyo caqabadaha ka hor yimaada ba.

Sidaasi awgeed na isla shalay ba waxay Guddidan ay lugtooda ku soo mareen qaar ka mid ah Mashaariicdaasi.

Kormeerkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee Guddidan dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay si toos ah ugu kuurgasho xaalada iyo geedi socodka mashaariicda gobollada dalka ka socda, ilaa haddana lama garanayo sababta dhabta ah ee xilligan ku keliftay, balse waxa aynu eegi doonaa natiijada kormeerkaasi ka soo baxda iyo waxa ay ka tarto qaabka iyo heerka ay Mashaariicdaasi u socdaan haddii ALLE yidhaa.

Ugu dambeyntii waftigan waxa maanta la filyaan ay safar ku tagayaan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this