Sign in to follow this  
Deeq A.

Uganda oo shaacisay in ciidamada loo tababaro dowladda Soomaaliya ay ku biiraan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kampala (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda dalka Uganda, Henry Okello Oryem ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidamada loo tababaro dowladda Soomaaliya ay ku biiraan Xooggaga Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Mr Henry Okello Oryem ayaa is weydiiyey ma Al-Shabaab ayaan ammaanka ku wareejinaa?

Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan cabasho aheyn, balse ay Uganda ka murugsan tahay tayada ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Ma cabaneyno, laakiin waxaan ka murugsannahay Tayada Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya” ayuu yiri wasiirku.

Dhanka kale wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Uganda ayaa ka digay in ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM laga saaro Soomaaliya.

Henry ayaa sheegay in guulaha ay haatan gaareen ciidamada AMISOM ay ku soo dhammaan karaan fashil, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in haatan QM ay ku howlan tahay sidii loo dhimi lahaa tirada AMISOM oo uu xusay inay ka dhalan karto qatar xoogan.

Caasimada Online
Xafiiska Kampla
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this