Deeq A. Posted August 27, 2019 Beledweyne (SMN) – Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida qeybta gobolka Hiiraan, Maxamed C/qaadir Maxamed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa sheegay in walaac amni ay ka qabaan ergadii dhowaan tegay deegaanada Al-Shabaab ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Maxamed C/qaadir Maxamed ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah odayaasha ay baxsadeen, kuwa kalena ay gacanta ku hayaan, si ay u hubiyaan. Sidoo kale wuxuu uga digay shacabka in ay guryahooda ku qariyaan ergada maqan oo uu tilmaamay inay muhiim tahay inay soo maraan laamaha amniga. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Cod-Cadaani-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites