Deeq A. Posted August 27, 2019 Awdheegle (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeray ay madaafiic isku weydaarsadeen ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka K/ Galbeed Soomaaliya. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay agagaarka degmada Awdheegle oo ay dhowaan la wareegeen ciidamada Milatariga Soomaaliya. Ma cadda illa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac. Xaaladda ayaa saaka degan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites