Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka taagan deegaamo katirsan gobolka Sanaag oo Somaliland ciidan u dirtay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiisad u dhexaysa ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa ka taagan deegaamo katirsan gobolka Sanaag xilli Puntland ay gacanta ku dhigtay inta badan gobolkaasi.

Xiisaddaan ayaa lagu soo waramayaa inay ka taagan tahay deegaamo ay rag katirsan Somaliland iyo ciidamo ay wataan gaareen si ay oday dhaqameedka qaar uga dhaadhiciyaan qorashada ciidamo cusub ee Somaliland u adeega.

Taliyihii Ciidamada Soomaaliland ee Magalada Baran Guray Cismaan Saalax iyo Maamulkii degmadaas ayaa dhawaan waxaa ay ku biireen dowladda Puntland taasi oo keentay in Somaliland ay bilowdo qorshada malayshiyaad horleh.

Taliyaha ciidamada Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ayaa dhowaan sheegay in ciidamada ku biiray Puntland aysan waxba u tarijirin isagoona ugu baaqay ciidanka & siyaasiyiinta ay isku beesha yihiin inay isaga baxaan ayna Sanaag xoog ku qabsan doonaan.

PUNTLANDPOST

The post Xiisad ka taagan deegaamo katirsan gobolka Sanaag oo Somaliland ciidan u dirtay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this