Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo iyo Kheyre waa ku lunsan yihiin Cumar Finish

Recommended Posts

Deeq A.   

Magacaabida Guddoomiyaha gobolka Banaadir & Duqa magaalada Muqdisho ayaa ku dhacday si lama filaan ah oo  Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo si kedis ah shacabka waxaysan fileyn kaga yaabsaday.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa filan-waa ay ku noqotay in mid ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadii hore uu madaxweynaha usoo xusho hoggaaminta maamulka caasimada dalka ee Muqdisho, inkastoo Cumar Finish lagu tiriyo shaqsiyaadka dhinaca hoggaanka iyo anshaxa dadnimo ku wanaagsan.

Dadka aqoonta u leh siyaasadda iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa magacaabida Cumar Finish su’aal geliyay, iyagoona u arka mas’uul ka duwan madaxdii horay usoo martay maamulka gobolka Banaadir, daliishana waxay tahay in Cumar Finish yahay shaqsi lagu bartay toosnaanta iyo inuu ka horyimaado in wax loo meeriyo ama lagu maquuniyo, howshiisana jecel in isaga u gaar ahaanaado.

Waxay su’aal ka taagan tahay siduu amarka u qaadan doonaa

Haddaan dib u milicsano waayihiisii hoggaamiye kooxeednimo ee xiligii sagaashameeyadii ilaa 2002-kii, Cumar Finish waxay soo wada shaqeeyeen Al-Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo uu taliyihiisii ciidamada soo noqday, kahor intii aan dowladdii Mbaghati lagu soo dhisin, waxaa degmada Wadajir oo xiligaasi la oran jiray Makka iyo Madiina ka talinayay Muuse Suudi, waxaana aakhirkii ay u kala qeybsantay labo aag oo ay ka talinayeen Muuse Suudi iyo Cumar Finish.

Sababihii ay iskugu dhaceen Muuse Suudi iyo Cumar Finish waxaa qeyb ka aheyd dhinaca awooda iyo maamulka, taasoo uu ka biyo diiday Cumar Finish hoggaamiyihiisii awaamiirtii kasoo baxaysay ee la farayay, isla markaana u cuntami weyday, waxaana ka dhashay awood aan la dhayalsan kareyn oo Cumar Finish lasoo baxay, isagoo taageero ka helay saaxiibadkiisii Cusmaan Caato.

Intaas markaan kasoo tagno, Cumar Finish wuxuu soo noqday xildhibaan aan dhicin laga soo bilaabo dowladihii C/llaahi Yuusuf, Shariif iyo Xasan Sheekh, wuxuuna ka mid ahaa mudanayashii baarlamaanka ka dhex muuqday ee qalalaasihii siyaasadeed saameyn ku lahaa, iyadoo la og-yahay in baarlamaankii u danbeeyay ee Xasan Sheekh, waxaana la xasuustaa xiligii uu hub fara badan gudaha baarlamaanka lasoo galay xiligii mushkilada siyaasadeed isagoo taageersanaa Prof. Jawaari.

Su’aasha ah siduu amarka u qaadan doonaa, sidii guddoomiyeyaashii ka horeeyay, mise ushii Muuse Suudi ula soo baxay ayaa weli u keydsanoo arrintu waxay noqon doontaa Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre “Abeeso ayey faraqa gashteen.

Arrinta kale waxay tahay tolow Cumar Finish, ma madaxdii ka horeysay oo kale ayuu wadadoodii mari doonaa sida lagu bartay, oo ma muujin doonaa maqaamka caasimada u baahan tahay mise marka khilaaf yimaado ee uu bixi rabo ayuu ka dhawaajin doonaa ka hadalka Maqaamka Muqdisho mudan tahay iyo in la duudsiiyay xaquuqdeedii ay laheyd.

Kuma deg degi karno, waxaase la eegi doonaa bilaha hore marka uu xilka la wareego, iyo sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ula shaqeyn doono ama u fulin doono rabitaanka siyaasadeed ee ay ka leeyihiin maqaamka Muqdisho.

W/Qoray: Cali Muhiyaddiin Cali
Email: Muxiyaddiin@hotmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this