Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo Muqdisho lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ayaa xalay gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan kuwa amniga ee dowladda ninkaasi ayaa laga soo qabtay guri uu ku sugnaa oo ku yaalla xaafadda Carafaad ee degmadaasi.

Ma shaacin saraakiishu magaca ninkaasi, balse waxa ay tilmaameen inuu ka tirsanaa qeybta amniyaatka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana ay faah faahinta dib ka bixin doonaan.

Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka waday xaafadaha magaalada Muqdisho.

Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa dilal iyo qaraxyo ka fuliya gudaha Caasimada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this