Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo shaacisay dalkii laga abaabulay weerarkii DusitD2, mana ahan Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) –Baarayaal Kenyaan ah oo ku sugar magaalada Cape Town ee dalka South Africa si ay ugu gun gaaraan baaritaan ku saabsan dhaqaale lacageed oo gaaraya 2.3 bilyan oo dollar oo loo adeegsaday weerarkii Al-Shabaab ku fulisay hotelka DusitD2 bishii June ee sanadkaan.

Weerarkaasi oo geystay khasaare dhimasho gaareysay 26 qof ayaa waxaa fuliyay 5 nin oo Shabaab ka tirsanaa, kuwaasi oo afar ka mid ah la toogtay, midna uu isqarxiyay sida ay sheegtay warbixinta arintaan la xiriirta.

Wargeyska The Standard ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray warbixin sirdoon iyo baarayaal ku sugan magaalada Cape Town, kuwaasi oo shaaciyay in dhaqaalaha loo adeegsaday weerarkaasi oo dhan 2.3 Milyan dollar lasoo marsiiyay bangi ku yaal South Africa kana timid ganacsade u dhashay dalkaasi.

Kooxda baarayaasha oo ka kooban sarkaal ka tirsan Agaasinka Baarista Dambiyada, Unugga Booliiska la-dagaallanka Argagixisada, sarkaal ka tirsan waaxda sirdoonka dambiyada oo ku xiran shirkadda isgaarsiinta Safaricom iyo xubin xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Kenya.

Baarayaasha ayaa diirada saaray magaalada Cape Town si ay u raadraacaan dadka soo diray lacagta iyo ujeedkooda. Macluumaadka waxaa laga soo qaatay Dowladda Koonfur Afrika, si ay farta u gasho kuwa ka-faa’iideysta ee maalgalinta argagixisada.

Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in baarayaasha ay doonayaan inay wareystaan ​​qof reer Kenya ah oo ku nool Cape Town oo ay booliisku u aqoonsadeen inuu ka mid yahay dadka lacagta u direy Kenya iyaga oo u maraya bangi maxalli ah. Shaqaale ka tirsan bangiga ayaa hadda wajahaya ku wajahaya makamad ku taal Nairobi dacwado la xiriira argagixisanimo.iyadoo la haayoliiska dhowr qof oo arrintaan lugta la gashay.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this