Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar Oo Ku Baaqday In Wax Laga Qabto Ficillada Ay Wadaan Ciidammada Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Kadib markii ay soo noq noqdeen weerarada Ciidanka dowladda Kenya ay ku burburinayan Xarumaha shirkadda Hormuud Telecom ay ku leedahay Gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose ayaa waxaa arrintaas markii ugu horreysay ka hashay Ilhaan Cumar.

I.jpg

Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada Koongareyska dalka Mareykanka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la ilaaliyo hantida shirkadda Hormuud Telecom, isla markaana la difaaco hantideeda.

Sidoo kale Ilhaan Cumar ayaa Xustay in Ciidanka dowladda iyo kuwa nabadsugida Dhowraan oo ay ilaaliyan hantida Hormuud iyo dhammaan Shirkadaha kale ee Isgaadhsiineed ee dalka ku yaalla, kuwaasi oo bixiya adeegyo muhiim ah.

”Dowladda Somalia iyo Ciidamada Nabad Ilaalintu waa inay dhowraan (hantida) shirkadda Hormuud iyo dhamaanba Isgaarsiinta Somalia oo qaaraan wayn u gaysta dhaqaalaha dalka, adeegyo muhim ahna bixiya”ayay tidhi Ilhaan Cumar.

Waxaa kale oo ay sheegtay Ilhaan Cumar ”Markii aan Somalia booqday 20011, waxaan la yaabay isbeddelka deg degga ah ee tiknolojiyadda Somalia.” ayay raacisay halkeeda.

Ciidamada Kenya ayaa dhawaan waxaa ay qaraxyo ku burburiyeen xaruntii shirkadda Hormuud Telecom ay ku laheyd tuulada Caws-Qurun oo ku taalla Gobolka Gedo,iyadoo adeegsaday qaraxyo Miinooyin,waxaana halkaas Shirka uga burburay Tower-kii, Laba Dab-dhaliye, BTS, Link-yo iyo dhismihii xarunta.

Capture-14.png

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this