Deeq A. Posted August 26, 2019 Boosaaso (SMN) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saddexdii maalin ee la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka wada gobolka Bari ee maamulkaasi. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ka socdaan dhulka buuraleyda ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku xoogan yihiin kooxda Daacish iyo Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland ayaa sheegay in howlgalladaasi ay yihiin kuwa lagu xaqiijiynayo amniga gobolkaasi. Inta badan Xooggaga Daacish iyo kuwa Al-Shababa ayaa weeraro ka fuliya deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites