Deeq A. Posted August 26, 2019 Muqdisho (SMN) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa cambaareysay burburinta ay ciidanka Kenya ku hayaan xarumaha shirkadda Hormuud. Ilhan oo qoraal kooban soo dhigtay Twitter-keeda ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM looga baahan yahay inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay Hormiud iyo shirkadaha kale ee ku yaalla dalka ay si weyn uga qeyb qaataan horumarka, gaar ahaan dhanka tiknolojiyadda. ”Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada mabad ilaalintu waxaa laga rabaa inay ilaaliyaan shirkadda Hormuud iyo dhamaan shirkadaha kale oo qaaraan weyn ku leh dalka Soomaaliya adeegyo muhiim ahna bixiya,mar aan Soomaliya tegay sanadkii 2011 ayaan la yaabay sida tiknolojiyadda meel sare u gaartay Soomaaliya,” ayay tiri Ilhaan Cumar. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan ciidamada Kenya ay qaraxyo ku burburiyeen xarun ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku laheyd gobolka Gedo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites