Deeq A. Posted August 26, 2019 Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta Maareeyaha Guud ee wakaaladda hormarinta dhismaha Soomaaliyeed u magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo dhoowaan laga qaaday xilka taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha lagu sheegay in markii uu arkay baahida loo qabo dib u howlgelinta wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed & Aqoonta & waaya aragnimada Saereeye Guud Bashiir Goobe loo magacaabay xilkaas. Halkan hoose ka akhriso: View the full article Share this post Link to post Share on other sites