Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo markale eedeyn u jeedisay dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay  Soomaaliya in ay ka dambeyso go’aanka ay Jabuuti uga hortimid codeyntii Midowga Afrika ee kursiga QM.

Kenya ayaa tilmaamtay in go’aanka Jabuuti uu meel ka dhac ku yahay dhaqanka qaaradda Afrika, sida ay hadalka u dhigtay

Sidoo kale waxay tilmaamtay in dalalka saldhigyada ku leh dalkaasi ay gadaal ka riixayaan in Jabuuti ay u tartanto xubinimada aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka.

Dhowaan ayey aheyd markii danjiraha Jabuuti ee Qaramada Midoobay, Maxamed Siciid Ducaale uu sheegay in aysan ku qancin codeyntii  Ururka Midowga Afrika.

Danjiraha ayaa tilmaamay inay Jabuuti u tartami doonto kursigaas marka la gaaro bisha June ee sanadka soo socda.

Kenya ayaa marar badan qaaday tallaabooyin ka dhan ah Soomaaliya oo uu kala dhexeeyo muran dhinaca badda ah oo ay dacwaddiisu ka furan tahay maxkamadda ICJ.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this