Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay 3-da madaxweyne ee lagu doortay Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay doorashooyinkii ka dhacay Jubaland, halkaasi oo saddex madaxweyne oo is-diidan ay kasoo baxeen.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo ah mas’uulka Al Shabaab u qaabilsan Jubbooyinka oo wareysi siiyay Idaacadda Al-Shabaab ee Andalus ayaa sheegay in ay dagaal lageli doonaan dhammaan saddexda madaxweyne ee sheegtay Jubaland.

Abuu Cabdalla ayaa sheegay in Jubaland ay ku loolomayaan dowladaha Kenya, Itoobiya iyo Reer Galbeedka, islamarkaana madaxweynayaasha la doortay “lagu adeegto.”

Waxa uu sheegay in dadka isku haya Jubaland “aysan xitaa ahayn dad madax banaan”, islamarkaana qori caaraddiisa lagu qasbayo inay fuliyaan danaha dalla shisheeye, sida uu sheegay.

“Jubaland waxay gobollada Jubooyinka ka maamulaan kaliya laba degmo, marka qof kasta oo madaxweyne sheegta waxaa laga doonayaa halkii uu maamuli lahaa” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu sheegay in dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada ay mamausho Jubaland, gaar ahaan Kismayao ay maalin kasta usoo cararaan dhinaca goobaha ay maamulaan Shabaab, ayna ka saari doonaan goobahaas, sida uu hadalka udhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this