Sign in to follow this  
Deeq A.

Switzerland oo aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Geneva (SMN) – Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee dalalka Switzerland, Austria iyo xarunta Qaramada Midoobay ee xuquuqul insaanka, Marwo Abyan Maxamed Saalax oo lagu soo dhoweeyay Geneva ayaa sheegtay in dowladda Switzerland ay si rasmi ah u aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya.

Abyan  ayaa tallaabadan ku tilmaamtay mid taariikhi, waxaana ay sheegtay in haatan wixii ka dambeeya Switzerland lagu tago karo Baasaboorka Soomaaliga ah.

Arrintan ayaa waxa ay sheegtay inay dadaal badan ku bixiyeen safaaradda iyo wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Dhanka kale Marwo Abyan Maxamed Saalax oo dhowaan loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalalka Switzerland , Austria iyo xarunta Qaramada Midoobay ee xuquuqul insaanka ee Geneva ayaa u mahadcelisay Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Waxa kale oo ay sheegay in halkeeda ka sii wadi doonto shaqada, islamarkaana auhormarin doono xiriirka Soomaaliya iyo dalalkaasi.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku hormarineyso tayada iyo isticmaalka Baasaboorka Soomaaliga ah oo ay horay u aqoonsadeen dalal badan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this