Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe Oo Looga Arrinsanayo Cutubyada 10-15aad ee Dastuurka KMG ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madasha guddiyada dastuurka baarlamaannada heer federaal iyo heer dowlad Goboleed ayaa maanta ka furantay magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Shirkan oo socon doono 3 Maalin waxaa looga hadlayaa dastuurka  KMG ah, gaar ahaan cutubyada 10-aad ilaa iyo 1-5aad oo ay soo diyaariyeen gudiyada dastuurka heer federaal.

Shirkan waa kii 4aad ee ay qabtaan guddiga dastuurka, waxaana la filayaa in xal looga gaaro cutubyadaas dhiman.

Horay waxaa ay guddiga uga dhamaadeen ilaa 10 cutub, oo la hor keenay golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka.

Marka lasoo gabagabeeyo dastuurka farsamo ahaan, waxaa haraya in madaxda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ka heshiiyaan qodobo u xayiran heshiis siyaasadeed.

Goobjoog News

qe5-1024x683.jpg qe4-1024x683.jpgqqe3-1024x683.jpg qe2-1024x576.jpg qe1-1024x683.jpg qe-1024x683.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this