Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo shaki geliyey xilka qaadistii Indha-Qarshe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga mucaaradka, ahna guddoomiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishuur Warsame ayaa shaki weyn ka muujiyey xilka qaadistii dhowaan lagu sameeyey taliyeyaasha ciidamada, gaar ahaan kan Xoogga dalka.

Cabdiraxmaaan Cabdishakuur ayaa shaaciyey in muddooyinkii dambe ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay guulo ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, isamarkaan ay shaki keeneyso sababtii xilka looga qaaday taliyaha ciidanka Xoogga dalka Indha-Qarshe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxda dowladdu aysan dagaal kula jirin Al-Shabaab, taasna ay cadeyn u tahay sababta 5 taliye loo bedalay labo sano.

“Allaha guuleeyo wiilasha iyo hablaha Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada ah ee furamaha dagaalka ku jira. Waxaase shaki abuuraya sababta ciidankii oo guulo soo hoynaya, loo beddelay taliyihii isagoo weliba jiida hore ee dagaalka ku jira. Nin 5 taliye, 2 sano iyo bar ku beddelay Al-shabaab dagaal kulama jiro.kulama jiro.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishuur Warsame.

Khamiistii la soo dhaafay ayey aheyd markii golaha wasiirada Soomaaliya ay isbedal ku sameeyeen dhammaan talisyada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Tan iyo inta uu jooga xafiiska Madaxweyne Farmaajo oo ah labo sano iyo bar ayaa waxaa la bedelay illaa 14 taliye oo ah dhammaan talisyada ciidamada Xoogga, Nabad Sugida, Booliska iyo Asluubta.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this