Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar oo ka hadashay burburinta lagu hayo xarumaha Hormuud

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congaress-ka dalka Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay burburinta ay ciidamada Keyna ku hayaan xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee koonfurta Soomaaliya.

Ilhan oo qoraal kooban soo dhigtay Twitter-keeda ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM looga baahan yahay inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay Hormud iyo shirkadaha kale ee ku yaalla dalka ay si weyn uga qeyb qaataan horumarka, gaar ahaan dhanka tiknolojiyadda.

”Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada mabad ilaalintu waxaa laga rabaa inay ilaaliyaan shirkadda Hormuud iyo dhamaan shirkadaha kale oo qaaraan weyn ku leh dalka Soomaaliya adeegyo muhiim ahna bixiya,mar aan Soomaliya tegay sanadkii 2011 ayaan la yaabay sida tiknolojiyadda meel sare u gaartay Soomaaliya.” ayay tiri Ilhaan Cumar.

2019826637023930255788610ilhan.jpg

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan ciidamada Kenya ay qaraxyo ku burburiyeen xarun ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku laheyd gobolka Gedo.

Tallaabadaas ayaa waxaa cambaareysay xukuumadda federaalka, agaar ahaan wasaaradda boostada, isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this