Deeq A. Posted August 26, 2019 Balcad (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay Al-Shabaab ay ku qaaday degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay u suuragashay in muddo kooban ay la wareegaan gacan ku heynta degmadaasi. Mas’uuuliyiinta maamulka magaalada Balcad ayaa la sheegay inay isaga baxeen halkaasi, islamarkaana ay tageen xarunta warshaddii hore ee dharka Xaawo Taako oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta Ururka Midowga Africa ee AMISOM. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana degmada dib ugu laabtay ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa warbixiyey sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-guuleed.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites