Sign in to follow this  
Deeq A.

Filish oo booqday qoyska marxuum Injineer Yariisow

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa booqday guriga ay deggan yihiin qoyska uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee marxuum Ijnineer Cabdiraxmaan Yariisow guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii caasimadda , wuxuuna marka hore uga tacsiyeeyey geeridii ku timid marxuumka.

Gud. Cumar Finish ayaa sheegay in marxuum  Ing. C/raxmaan Yariisow uu dhintay isagoo u adeegaya dalkiisa iyo dadkiisa, islamarkaana uu qabtay shaqo muuqata.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray guddoomiyaha in horumaradii iyo howlihii uu soo waday marxuum Yariisoow haddii Alle idmo ay halkooda ka sii socon doonaan.

Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayey Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle, Xildhibaan Cabdiqaadir Carabow iyo xubno kale.

Ugu dmabeyn Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa Duqa cusub uga mahadceliyey booqashada uu ugu yimid qoyska marxuumka iyo dareenkiisa Soomaalinnimo.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Qoyska-yariisoow3.jpgQoyska-yariisoow1-1.jpg

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this