Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo muddo kooban la wareegtay magaallo muhiim u ah HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online ) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo xalay Al-Shabaab ay ku qaaday gudaha degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka ayaa waxaa fuliyey dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo shalay gelinkii dambe isku uruursaday duleedka degmadaasi.

Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah raggii weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda ayaa dagaalamay, waxaana Al-Shabaab u suuragashay inay wareegto qeybo ka mid ah magaalada Balcad.

Mas’uuuliyiinta maamulka degmadaasi ayaa la sheegay inay isaga baxeen halkaasi, islamarkaana ay tageen xarunta warshaddii hore ee dharka oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada AMISOM.

Dhanka kale wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka xaaladdu ay degan tahay, islamarkaana ay Al-Shabaab isaga baxeen halkaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbixiyey sida ay wax u dhaceen.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Balacad.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this