Sign in to follow this  
Deeq A.

Madax Ka Socota Mareykanka Iyo Iiraan Oo Ku Kulmaya Shirka Wadamada G7 Oo Ka Dhacaya Paris

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Paris)-Wasiirka arimaha dibada Iiraan maxamed Javad Zariv ayaa ka dagay magaalada Paris ee caasimada Faransiiska oo uu ka dhacayo shirka wadamada G Todoba.

15667561860d856.jpg

Wadamada Mareykanka Canada Jarmalka UK Talyaaniga iyo Japan ayaa yeelan doona kulankooda Sanadlaha.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, oo sanadkan dalkiisa uu marti galinayo shirka ayaa, isbuucyadii la soo dhaafay dadaal ugu jiray sidii loo dajin lahaa xiisada u dhaxeysa Iiraan iyo Mareykanka.

Donald Trump ayaa sanadkii hore ka baxay heshiiskii wadamada quwadaha ay la galeen Iiraan, taasi oo labada dal xiisad ka dhex Abuurtay.

Inta uu socdo kulankaan ayaa la ogeyn in ay kulmi doonaan Trump iyo Zariv iyo inkale.

Faransiiska ayaa doonaya in hab diblumaasiyadeed loo xaliyo xiisada u dhaxeysa wadamada Mareykanka iyo Iiraan taasi oo dhalisay walaac amni oo saameyn ku yeeshay maraakiibta ganacsi ee gacanka Khaliijka

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this