Deeq A. Posted August 26, 2019 (SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya oo olole ugu jirta sidii ay xubin uga noqon lahayd 15 xubnood ee golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ayaa warqad qoraal oo ay u dirtay dimplamaasiyiinta 140 wadan waxay ka codsatay Taageero. Toddobaadkii hore , Kenya waxay 37-13 cod kaga adkaatay wadanka Jabuuti codbixin ka dhacday magaaladda Adis-ababa oo ay qaadeen midowga Afrika. Qoraalka wasaaradda arrimaha dibada kenya u dirtay dimplamaasiyiinta ayay ku sheegtay in dowladda Kenya ay fursadan uga faa’iidaysan doono horumarinta ammaanka gobolka, howlgalada nabada ilaalinta iyo fulinta ajendayaasha qaramada midoobay, iyadoo ay u mahadceliyeen Midowga Afrika. Golaha ammaanka ee QM waxaa codka Feto-ga leh 5 wadan oo kala ah Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Ingiriiska iyo Faransiiska, hase yeeshee haddii ay kenya ka mid noqoto waxay awood u yeelaynaysaa inay galaangal ku samayso xubnaha si ay guul u gaadho qorshayaasha u degsan oo ugu horrayso in ururka Alshabaab loo aqoonsado argagixiso Caalami iyo arrinta muranka badda ee ka dhaxaysa Soomaaliya, taasi oo dacwadeedu haatan taallo maxkamada caalamiga ah ee ICJ. Source Share this post Link to post Share on other sites