Deeq A. Posted August 26, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Wasiirka amniga Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa xalay kulamo la qaatay saraakiisha amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulamada oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray amniga guud ee magaaladaasi. Wasiir Ducaale ayaa saraakiisha ciidanka dowladda ee la wareegay amniga Dhuusamareeb kula dar daarmay inay xoojiyaan nabad gelyada. Dhowaan ayaa la filayaa in la qabto shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo ka dhacaya gudaha magaaladaasi. Shirkan ayaa waxaa daah-furi doono Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo markael dib ugu laaban doono deegaanada maamulka Galmudug. View the full article Share this post Link to post Share on other sites