Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Finish oo kulan gaar ah la qaatay Qoyska marxuum Injineer Yariisow

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay qoyska uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee marxuum Ijnineer Cabdiraxmaan Yariisow.

Guddoomiyaha oo booqasho ku tegay guriga ay degan yihiin qoyska ayaa marka hore uga tacsiyeeyey geeridii ku timid marxuumka.

Finish ayaa sheegay in Yariisow uu dhintay isagoo u adeegaya dalkiisa iyo dadkiisa, islamarkaana uu qabtay shaqo muuqata.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in horumaradii iyo howlihii uu soo waday uu halkiisa ka sii wadi doono.

Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayey Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Xildhibaan Cabdiqaadir Carabow iyo xubno kale.

Ugu dmabeyn Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa Duqa cusub uga mahadceliyey qoyska booqashada uu ugu yimid iyo salaanta.

gudo-7-630x420.jpg 1-5.jpg 2-8.jpg gudo-1-630x420.jpg gudo-2-630x420.jpg gudo-6-630x420.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this