Sign in to follow this  
Deeq A.

10 ka mid ah odayaashiii cafiska u doontay kooxda Shabaab oo xabsi la dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad Sugidda magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xabsiga dhigay ku dhawaad 10 oday dhaqameed oo cafis u doontay Al-Shabaab.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda ciidamada gobolka Hiiraan, Kabtan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa sheegay in dhamaan odayaashii u tagay Al-Shabaab maxkamadd la saarayo.

Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa ku amray ciidamada Nabad Sugidda iyo kuwa Booliska ee ka howlgala gobolka Hiiraan inay soo xiraan si loo maxkamadeeyo odayaashii u tagay Al-Shabaab.

“Waxaan soo saarnay awaamiir ku socotay dhamaan hey’adaha amniga si gaar ah booliska iyo Nabad-sugidda, inay soo qabtaan odayaasha ka baxay deegaanada Hir-Shabeelle ee lasoo kulmay Al-Shabaab,” ayuu yiri ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada G/Hiiraan.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Waxaan gacanta ku heynaa oo hadda xiran ku dhawaad 10 oday dhaqameed oo la kulmay Al-Shabaab, waxaana la tiigsa doonaa sharciga”.

Caasimada Online
Xaafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this