Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Dowladda Soomaaliya oo dalka Eritrea tababar ugu dirtay ciidamo cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tiradii ugu horreysay oo dhalinyaro Soomaali ah tababar ugu dirtay dalka Eritrea oo dhawaan heshiis saaxiibtinimo la galay Soomaaliya, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Dhalinyarada tababarka loo qaaday oo gaaraya ku dhowaad 100 qof ayaa la sheegay in xulistooda ay socotay dhowrkii bil ee la soo dhaafay, sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid dadkii ka qayb qaatay arintaan.

Dadka la qaaday oo tiradooda lagu sheegay ku dhowaad 100, ayaa la sheegey in la soo siin doono tababar casri ah oo ku saabsan la dagaalanka iyo helista xogaha Argigixisada.

Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee u diiwaan gashan Wasaaradda Arimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in loo maray xulista dhalinyaradaan loo qaaday dalka Eritrea.

Caasimada Online ayaa la kulantay dhalinyaro aan wali bixin laakiin laga diiwaan geliyay hey’adaha amaanka Soomaaliya si dhowaan loogu qaado dibadda waxayna noo sheegeyn in qaar kale ay ka horreeyaan oo maalmo ka hor ay dalka ka baxeen.

Eritrea, oo dhawaan laga qaaday cunaqabateyn saarneed kadib markii ay la heshiisay Itoobiya ayaa sidoo kale heshiis la gashay Dowladda Soomaaliya.

Dalkaan Eritrea, waxaa horey loogu eedeeyey in uu la shaqeeyo islamarkaana uu taageero Argigixisada Soomaaliya waxa uuna mar soo dhaweyn jiray Kooxihii Islaamiyiinta Soomaaliya, inkasta oo Eritrea ay beeniso eedeymahaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this