Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacab ku dhaawacmay rasaas ay rideen ciidanka DFS

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhaawacantay ka gedaal markii rasaas ay fureen ciidamadda dowladda Soomaaliya.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in arrintan ay ka dhacday degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Rasaasta ay ganeen xoogaga dowladda federaalka ah ayaa waxaa la sheegay in ay ahayd mid ay wadada ku furanayeen

Dr Aamiin Samakaab, Agaasimaha Isbitaalka Al Bayaan, oo la dhigay dhaawacyadda ayaa sheegaya in bukaanada xaaladooda ay soo fiicnaaneyso.

Sikastaba ha ahaatee, dhacdooyinka noocaan ah ayaa ah kuwa soo laab-laabtay, waxaana khasaaraha alaaba uu soo gaaraa dadka shacabka ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this