Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdikariin Guuleed oo lacag ugu deeqay dhismaha wado

Recommended Posts

Deeq A.   

Hobyo (SMN) – Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa waxa uu lacag ugu deeqay dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa shaaciyey in uu ku taageerayo dhismaha jidkaasi aduun lacageed gaaraya tobban kun oo dollar.

Dhinaca kale, Mr Guuleed oo booqday xarunta guddiga ku howlan dhismaha wadadaasiayaa bogaadiyey shaqadda ay hayaan.

Jidka isku xirta Gaalkacyo-Hobyo oo ka wada tirsan gobolka Mudug ayaa waxa uu muhiim u yahay isu socodka shacabka labada magaalo.

Dhismaha wadadan ayaa waxaa la sheegayaa in ay kaalin weyn ka cayaareyso horumarka dhanka ganacsiga iyo isu socodka labada magaalo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this