Deeq A. Posted August 25, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya qarax gaari oo ka dhacay magaaladda Muqdisho, caasimadda Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa nooca ay Soomaalidu u taqaano dhejiska ayaa waxaa loogu xiray masuul horey uga tirsanaa maamulka gobolka Banaadir. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Aamiin Sheekh Cilmi, wuxuuna ahaa xoghayihii hore ee maamulkii gudoomiye Muungaab. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in gaariga uu ku qarxay meel ku dhow kontarool ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Aamiin uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaarey weerarkaasi oo aysan jirin cid sheegatay. Waa qaraxii labaad oo maanta ka dhaca Muqdisho, iyada oo midkii koowaad ay ka badbaaday Agaasimaha Isbitaalka Ciidanka Xoogga. View the full article Share this post Link to post Share on other sites