Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo gacanta ku dhigay xaruntii weyneyd ee canshuuraha Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne-(Caasimada Online) – Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay degaanka Buurweyn oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Buurweyn oo qiyaastii 25-KM koonfur kaga beegan magaalada Buula-Burde ee gobolka Hiiraan, ayaa Al-Shabaab u ahayd goob muhiim ahay canshuuraha ku qaadaan.

Dhamme Cabdi Maxamed Xasan oo ah taliyaha hoggaaminayay ciidanka xoogga dalka ee la wareegay Buurweyn, ayaa sheegay in weerarkaas ay uga gol lahaayeen xaqiijinta amaanka degmada Buula-burde oo sanado badan go’doon ugu jirta Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay Taliyuhu in si nabad ah ay kula wareegeen deegaankaas oo il dhaqaale u ahaay Al-Shabaab, kaddib markii ay iskaga carareen, haatana ay qorsheynayaan inay dib ugu laabtaan Buula-burde oo aysan kusii sugnaa doonin Buurweyn.

Waxa kale oo uu sheegay inay ku laaba doonaan oo dib ula wareegi doonaan deegaanka Buurweyn, isagoo carrabka ku adkeeyay in markaas ay ka sameysa doonaan saldhigyo ciidan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku caan baxay inay dib u baneeyaa dhul ay dagaal kaga qabsadeen Al-Shabaab, waxeyna arintaas shaki iyo walaac badan ka muujiyay waxgarad badan oo Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xaafiiska Beleweyne
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this