Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Denni,”Puntland waxay diyaar u tahay martigelinta shirka Somaliland iyo Soomaaliya”.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa ka hadlay arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya, wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland, khilaafka DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah, meeqaamka Muqdisho iyo arrimo kale.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Denni waxa uu ugu horayn ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya inay xushmeeyaan dowladaha xubnaha ka ah una dhowraan sidii inay yihiin carruurtooda maadaama dowladda dhexe ay tahay hooyada Soomaaliya.

Denni oo ka hadlayey meeqaamka Muqdisho ayaa sheegay inay muhiimtahay in la caddeeyo wuxuuna codsaday in Puntland martigeliso shir ku saabsan meeqaamka Muqdisho iyo shirarka u dhexeeya madaxda DFS iyo maamulka Somaliland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu taageero u muujiyey shirarka dibu heshiisiinta ee ka socda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug isagoona xusay in Galmudug loo madax banneeyo arrimeheeda masiiriga ah.

PUNTLANDPOST

The post Madaxweyne Denni,”Puntland waxay diyaar u tahay martigelinta shirka Somaliland iyo Soomaaliya”. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this