Deeq A. Posted August 25, 2019 Hargeysa (SMM) – Taliyaha ciidanka Milatariga Somaliland, Nuur Ismaaciil Taani oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay ciidamo ka tirsan maamulkaas oo dhowaan u goostay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Taliye Taani ayaa sheegay in ciidamadaas ay horay uga diideen inay duulaan ku qaadaan deegaanada Puntland, islamarkaana uu heshiis kala dhexeeyey, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale taliyaha Milatariga Somaliland ayaa eedeyn culus u jeediyey Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Caare) oo hoggaamiyo jabhadda Dulmi Diid. Taliyaha ayaa tilmaamay in Kormeyl Caare uu dambiyo culus ka gestay deegaanada Somaliland, islamarkaana ay maxkamadiisu furan tahay. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/ccc.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites