Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF iyo kuwa Jabuuti oo la wareegay deegaano hor leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Buuloburte (SMN) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta howlgallo ka sameeyey qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Howlgalladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu kula wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi.

Dhame Cabdi Maxamed (Kabtan Suul Nuug) oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa Shabelle u sheegay in ciidamada huwanta ay si nabaddoon kula wareegeen deegaano u dhaxeeya degmooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale sarkaalkan ayaa intaasi ku daray in howlgallada ay sii socon doonaan, inta Al-Shabaab laga saraayo guud ahaan gobolkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-buulo-burde-.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this