Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Caddeeyay Xilalka Wasiir Sacad Cali Shire

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Dr Sacad Cali Shire wasiirka maaliyaddu yahay wasiirka wasiirrada.

Hadalka madaxweynaha ayaa yimid iyada oo dhawaan madaxweyne Biixi uu muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay wasiir Sacad, islamarkaana uu hoos geeyay dhawr wasiir.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa shalay baahiyay in wasiir Sacad muddooyinkii u dambeeyay maamulayay wasaaradda arrimaha dibadda.

Sidoo kale bishii June ayaa la ogaaday in madaxweyne Biixi wasaaradda Caafimaadka hoos geeyay wasiir Sacad kadib markii wasiirka caafimaadka Dr. Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbin) xaalad caafimaad darro la soo deristay.

Wasaaradahan la hoos geeyay wasiir Sacad ayaa leh wasiir xigeenno iyo agaasimeyaal guud oo sii wada kara shaqada wakhtiga wasiirradoodu maqan yihiin.

Wasiirka arrimaha dibadda Prof Faratoon ayaa Geeska Afrika u sheegay in aanay waxba ku jabnayn in madaxweynuhu wasaaraddiisa hoos geeyo wasiir Sacad.

Wasiir Faratoon ayaa yidhi “Waa dhab oo dalka waan ka maqanahay, dalkuna wuxuu leeyahay Madaxweyne Qaran, markaas haddii uu Madaxweynuhu Wasiir Sacad si ku meel gaadh ah uga sii dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda wax dhib ah oo ku jirtaa ma jirto, inkasta oo Wasiir ku xigeenkii joogo, haddana haddii uu Madaxweynaha Qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi garto inuu Wasir Sacad Cali Shire uu ku sii sime ka dhigo wax dhiba oo ku jirtaa ma jirto, wax walbana wax lagama dayo, waxna lagama soo saaro”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this