Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf oo sameeyey xilka qaadis iyo shaqo joojin (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) ayaa xilka qaadis ku sameeyey wasiirkii qorsheynta maamulkaasi, Cabdikaafi Maxamed Maxamuud, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Sidoo kale wareegtadan ayaa lagu sheegay in xilka uu siin heyn doono wasiiru dowlaha wasaaraddaasi, inta laga magacaabayo wasiir kale.

Ma shaacin Madaxweyne Xaaf, sababaha uu xilka uga qaaday wasiirkii qorsheynta maamulka Galmudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xilka qaadista Cabdikaafi oo sidoo kale ahaa xoghayaha gudiga dib u heshiisiinta ay soo dadjisay, kadib markii uu dhaliilay guddiga ay dowladda federaalka Soomaaliya u magacawday arrimaha dib u heshiisiinta ee maamulkaas..

Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug ayaa shaqo joojin ku sameeyey wasiirka amniga maamulkaasi, Mudane Saadaq Sheekh Yuusuf.

Wareegtadan oo soo baxday bishii la soo dhaafay, balse aan la faafiin ayaa lagu sheegay inuu shaqada sii wadi doono wasiiru dowlaha wasaaraddaasi, Cabdullahi Axmed Calasow.

Xaaladda Galmudug ayaa weli ah mid cakiran, iyadoo caqabado ay ka taagan yihiin arrimaha doorashada mamaulkaasi iyo shirweynaha dib u heshiisiinta oo labo jeer uu dib dhac uu ku yimid, sababo la xariira khilaafka siyaasadeed ee weli ka taagan gudaha magaalada Dhuusamareebh xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Halkan hoose ka akhriso:

69200821_2431278570261948_6545713176250417152_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this