Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo ku baaqay in wadahadallada DF iyo S/land lagu qabto Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni)  ayaa ku baaqay wada-hadallad u dhexeeyaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland lagu qabto gudaha magaalada Garowe ee xarunta maamulkaasi.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay n Puntland ay diyaar u tahay inay marti geliso shirarka looga hadlayo geeddi socodka arrimaha Ssiyaasadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay soo dhaweyneyso Puntland in Garowe lagu qabto shirka looga hadlayo Maqaamka siyaasadeed ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan halkaan ka sheego in Puntland marti geliso qodobada aadka looga doodo ee ah Maqaamka Muqdisho in Garowe looga hadlo, Muqdisho waa magaala madaxda Soomaaliya, waa magaalada astaanta u ah Qaranka Soomaaliyeed, maqaamkeeda inuu dood aan dhamaaneyn ku jiro aad ayay noo dhibeysaa xaqiiqdii”ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi (Deni).

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dagaallo u dheexeeya Puntland iyo Somaliland ay ka taagan yihiin gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Somalia.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this